May God bless you and your...
Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun. Maanta waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii iyo asxaabtii Caasha Maxamuud Guled. Caasha waxay ahayd hooyo iyo saaxiib qiimo leh, oo nolosheeda u hurisay horumarinta haweenka iyo samafalka bulshada. Waxay tusaale cajiib ah u ahayd carruurteeda, iyo dhammaan intii la nooleyd. Qof walba oo ay taabatay wuxuu xusuusan doonaa daacadnimadeeda iyo jaceylka ay bulshada u qabtay. Alle ha u naxariisto, Jannatul Firdowsana ha ka waraabiyo. Aamiin.
Luul Maxamed Sheekh Cusmaan
October 15, 2024